Somali - Warbixin ku saabsan qaabka loo maamulayo macluumaadka shakhsiga ah ee dadka degan xerada qaxootiga

Publisert: 24. februar 2025

Waa maxay macluumaadkaaga skakhsiga ah ee la isticmaalayo?

Waraysiga dejinta waxaa ka soo bixi kara macluumaad adiga kugu saabsan, xiriirna la leh dejintaada. Macluumaadkaas shakhsiga ah waxaa ka baaran-degaya hay’ado dowladeed oo Norway ah taasoo la xiriirta dejintaada (Tani waxay ku salaysantahay sharciga qaabilaadda ajnabiga § 25 qaybta 1aad xarafka d iyo xeer-hoosaadyada la
socda ee ku saabsan maamulidda macluumaadka shakhsiga ah § 8).

Macluumaadka soo socda ayaan isticmaali doonnaa:

  • Xaalado gaar oo ay tahay in la tixgeliyo wakhtiga dejinta
  • Wakhtiyada iyo cinwaanada iyo afkaaga hooyo
  • Afka aad doonaysid in la guugu tarjumo

Marka ay dejintaada laga maarmaan u noqoto, waxaa sidoo kale la isticmaali karaa macluumaadka soo socda:

  • Qawmiyadda
  • Diinta aad rumaynsan tahay oo aad ku xiran tahay
  • Dambiyada la galay
  • Xaaladda caafimaad
  • Xaaladda jinsi sida jahaysnaanta iyo aqoonsiga jinsi

Haddii aan isticmaalayno macluumaad ku saabsan caafimaadkaaga waxay tahay in aad saxiixdid caddayn ogolaansho. Waxay tusaysaa in aad oggolaatay in shaqaalaha caafimaadka ay ka warrami karaan caafimaadkaaga isla markaasna in aan macluumaadkaas isticmaali karno. Shaqaalaha xerada qaxootiga ayaa kaa caawin kara caddayntaan ogolaanshaha.

Waa maxay sababta aan u isticmaalayno macluumaadkaaga shakhsiga ah?

Waxa aan adeegsanaynaa macluumaadkaaga shakhsiga ah si aan sida ugu wanaagsan kuu dejinno ayada oo la fiirinayo baahidaada xagga degaanka iyo xagga tababarka. Macluumaadkaaga shakhsiga ah waxaa loo istecmaalayaa dantaas kaliya. Marka lagu dejinayo waxaa warbixinta caafimaadka la adeegsanayaa oo keliya haddii aad qabtid naafanimo culus iyo/ama dhibaatooyin la xiriira habdhaqanka, ama caqabado kale ee caafimaad oo lagama maarmaan ka dhigaya diyaarinta hoyga.

Yaan la qaybsannaa macluumaadka shakhsiga ah?

Waraysiga dejinta kadib waxa ay xerada qaxootiga (oo hoos timaadda UDI) laqaybsan karaysaa macluumaadka shakhsiga ah ee quseeya IMDi, NAV, maamulka gobolka iyo degmada lagu dejinayo. Is-dhaafsiga macluumaadka shakhsiga ahi waxa uu u dhacaa si aamin ah ayadoo la isticmaalayo nidaamka kombuyuutarka ku salaysan ee IMDinett, kaasoo ay ku wada xiriiraan IMDi iyo degmooyinka.

Macluumaadka waan tirtiri doonnaa ugu dambeen 15 sano kadib taarikhda dejinta (Fiiri xeer-hoosaadka ku saabsan maamulidda macluumaadka shakhsiga ah oo raacsan xeerka qaabilaadda ajnabiga §
16 qaybta 2aad).