Shabakada netka ee NORA waxey ku saabsan tahey

Xaqa aad u leedahay inaad adigu wax doorato iyo xuquuqahaaga Norway

Waa daryeel iyo dabiici in waalidiintu ay u sameeyaan carruurtooda xuduud. Sidoo kale waa dabiici in carruurtu ay helaan fursad weyn oo ay wax ku dooran karaan marka ay sii weynaadaanba.

Carruurta qaar ka mid ah ayaa dareema inaan loo oggoleyn waxyaabaha firaaqada la qabto ama inay iyagu qaataan doorashooyin muhiim ah. Waxey dareemaan in aad loo xakameeyo waxa ay sameyn rabaan iyo cidda ay la hadlayaan. Qaarkoodna waxey dareemaan dhib iyo hanjabaado haddii ay sameyn waayaan waxa qoysku doonayo. Qaarna inkasta oo aaney kala kulmin cadaadis ama hadal qallafsan qoyskooda, laakiin waxey kala kulmaan oo keliya saaxiibada ama dadka kale oo ay isku dhaqanka yihiin.

 

Doorashooyinka muhiimka ah sida tusaale ahaan doorashada waxbarasho iyo guurku waa muhiim in aad adigu doorashada lahaato. Waxa sidan dhigaya sharciga Norway. Sharciga carruurta ee Noway waxa saameyn ku leh heshiiska caalamiga ah ee xuquuqda carruurta ee Qaramada Midoobay. Heshiiska xuquuqda carruurta ee Qaramada Midoobay wuxuu dhigayaa in carruurtu xuquuq leedahey oo ay ku noolaadaan nolol qiime leh meesha ay doonaan ha joogeene.

Sharciyada khuseeya carruurta ku nool Norway

Waa kuwan dhowr sharciyo ah oo la soo xulay:

 

  • Carruurta buuxisay 15 sanno, iyaga ayaa go’aaminaya su’aasha doorashada waxbarasho iyo iney ku biiraan ama ka baxaan ururro.
  • Xadka da'da guurka ee Norway waa 18 sanno, waana sharci darro in qof lagu khasbo guur.
  • Da'da sharciga caafimaadka Norway waa 16 sanno. Marka aad buuxiso 16 sanno, adiga ayaa keligaa u tegi kara dhakhtarka ama isbitaalka oo ka hadli kara waxa aad rabto – iyada oo aan cid kale ogaan karin.
  • Marka aad 12 sanno dhaafto waxa uu qoysku ku weydiin karaa inaad rabto inaad dal debeda ah u raaci karto.
  • Dhammaan noocyada gudniinka ee hablaha waa mamnuuc adag.
  • Waa ka mamnuuc hadda in adeegyada dadweynaha ee Norway carruurta u isticmaalaan turjumaan ahaan. Haddii adiga ama waalidkaa ay la kulmayaan adeegga dadwaynaha ee Norway, waxa waajib ku ah inay idiin soo helaan turjumaan haddii aad u baahantihiin.

 

Heshiiska carruurta caalamiga ah ee Qaramada Midoobey

Waa kuwan dhowr sharciyo ah oo la soo xulay:

  • Dawladda ayaa mas'uul ka ah in dhammaan carruurtu ay helaan xuquuqdooda.
  • Dadka waaweyni waa inay sameeyaan waxa u fiican carruurta.
  • Dhammaan carruurtu waxey xaq u leeyihiin inay yeeshaan aqoonsi u gaar ah oo ay ahaadaan cidda ay yihiin.
  • Dhammaan carruurtu waxey xaq u leeyihiin inay ra'yigooda dhiibtaan oo ay saamayn ku yeeshaan arrimaha iyaga khuseeya.
  • Dhammaan carruurtu waxey xaq u leeyihiin nolol u gaar ah (privatliv).
  • Dhammaan carruurtu waxey xaq u leeyihiin in aan cidna u geysan wax-yeello jidheed ama maskaxeed ama lagu xadgudbin.
  • Dhammaan carruurtu waxey xaq u leeyihiin inay dugsi aadaan oo ay waxbarasho helaan.
  • Dhammaan carruurta waa in laga ilaaliyo uga faa'iidaysiga galmada iyo xadgudubka galmada.
  • Dhammaan carruurta la kulmay xaalad adag ama wax-yeello waxey xaq u leeyihiin caawimo.

Haddii adiga iyo qoyskaaga khilaaf idinka dhaxeeyo

Aad ayay u adag tahey in carruur lagu koriyo dal aan ahayn kii lagu soo koray. Waalidiinta qaar ayaa ka falceliya oo aad u xakameeya nolosha carruurta si ka badan sidii hore. Mararka qaarkood walaalaha ayaa qeyb ka noqda xakameynta.

Qoyska ama bay’adda ayaa laga yaabaa iney ka werweraan waxa ay dadku ka sheegi doonaan haddii aad doorato wax aan aheyn waxa ay rabaan. Xaaladdan oo kale waxey abuuri kartaa daal badan haddii aan cidina ku taageerin. Waxaa laga yaabaa inaad dareento in ay ku kala jiitaan rabitaanka ah inaad madaxbannaanaato iyo inaad xidhiidh wanaagsan la yeelato qoyskaaga.

Qoysaska qaarkood waxey caawimo ka helaan iyagoo la hadla dadka waaweyn ee ay isku asalka yihiin ee muddada dheer Norway ku noolaa. Kuwana waxey doortaan caawimada ay ha helaan kooraska hagida waalidka, xafiiska dhawrida qoyska, adeega badbaadada carruurta, dhexdhexaadiyeyaasha khilaafaadka ama qof aqoon leh oo ka socda NGO.

Haddii uu jiro khilaaf adiga iyo qoyskaaga idiin dhexeeya, waxaa jira dhowr xal oo suurtogal ah. Adigaaga da'da yar, inta badan waxa fiican inaad marka hore la hadasho qof weyn oo aad ku kalsoon tahey. Tusaale ahaan dadka ku caawin kara waxaa ka mid ah lataliyeyaasha dadka laga tirada badan yahey.

 

lataliyeyaasha dadka laga tirada badan yahey

Lataliyeyaasha dadka laga tirada badan yahey waxey ka shaqeeyaan dugsiyada Norway qaarkood. Lataliyeyaasha dadka laga tirada badan yahey waxa ay ka shaqeeyaan ilaalinta xuquuqda carruurta iyo dhallinyarada, iyaga oo siinaya talo kuwa u baahan. Waxa kale oo ay caawiyaan dadka ka weyn 18 sanno ee u nugul dhibta.

Waxey noqon karaan dad aad la hadasho haddii aad dareento in aan xuquuqdaada la ixtiraamin iyo in cidi kugu khasbeyso wax aanaad rabin inaad sameyso. Waxey tani noqon kartaa wax kasta laga bilaabo doorashada waxbarasho ilaa doorasho guur. Carruurta iyo dhallinyarada ka welwelsan in qoysku si aan rabitaakooda aheyn ugu dirayo dalka debediisa waxa ay sidoo kale la hadli karaan lataliyeha dadka laga tirada badan yahey.

Waad la hadli kartaa haddii ay kugu adag tahay inaad qoyskaaga isfahantaan oo aad u baahan tahey talo ku saabsan sidii aad si wanaagsan isugu fahmi lahaydeen. Lataliyeyaasha dadka laga tirada badan yahey waxey kale oo wax badan ka yaqaaniin sida ay tahay in lagu koro dhaqamo kala duwan, iyo sida ay tahey in la soo qaxo ama haajiro.

Lataliyeyaasha dadka laga tirada badan yahey waxaa saaran waajib sir qarin oo looma ogola iney dad kale kala hadlaan arrimahaaga haddii aanaad adigu rabin. Dad badan ayaa u arka iney adagtahey in dhibaatooyinka qoyska ay dad kale oo waaweyn kala hadlaan. Adiga iyo lataliyeha dadka laga tirada badan yahey waxaad waqti ku isticmaali kartaan inaad bilowga hore isbartaan. Adiga ayey kugu xidhan tahey waxa aad rabto inaad sheegto iyo  talooyinka aad doorato inaad raacdo.

Xaalado aad u yar, ayaa lataliyeha dadka laga tirada badan yahey uu la xidhiidhaa dad kale si loo sugi karo ammaankaaga. Tani waxey dhici kartaa xaalaadaha uu ku ogaado/ogaato in noloshaada iyo caafimaadkaagu ay ku jiraan halis degdeg ah. Haddii ay lama huraan noqoto in lataliyeyaha dadka laga tirada badan yahey uu xidhiidh la sameeyo dad kale oo ku caawin kara, mar walba waa inuu/iney marka hore adiga ku ogeysiiyaan.

Haddii aad rabto inaad ogaato lataliyeyaha dadka laga tirada badan yahey ee kuugu dhow waxaad weydiin kartaa dadka ka shaqeeya dugsigaaga ama ka eeg liistadan.

IMDi minoritetsrådgivere på ungdomsskoler og videregående skoler | IMDi

 

Goobaha kale ee aad caawimo ka heli karto

Waxa jira dad badan oo ku caawin kara, waa kuwan qaar ka mida ahi:

 

  • Kalkaaliso: Waxaa saaran waajib sir qarin, waxyaalaha aad kala hadli karto waxa ka mida ah caqabadaha caafimaadka, caadada, dhibaatooyinka hurdada, dhibaatooyinka guriga, galmada, jihaynta jinsiga iyo dhibaatooyinka jidhka ama maskaxda gudniinka kadib.
  • Dhakhtarka Guud: Waxaa saaran waajib sir qarin oo waxaad kala hadli kartaa caqabadaha caafimaadka. Waxey noqon karaan dhibaatooyin jidheed iyo maskaxeed gudniinka kadib, dhibaatooyinka guriga, galmada ama jihaynta jinsiga.
  • Macalin: Waxaa saaran waajib sir qarin. Macalinku waa qof aad aamini karto oo aad maalin walba aragto. Macalinku wuxuu kaa caawin karaa cidda aad la sii hadli karto.
  • Maadinta carruurta: Adeegga maadinta carruurtu waxa uu carruurta iyo dhallinyarada da'doodu ka yar tahay 18 jir iyo qoysaska siiyaa caawimo iyo taageero guriga ah marka ay xaalladdu adakaato. Waa mas'uuliyadda waalidka iney caruurtooda siiyaan xannaano. Laakiin haddii ay wada kari waayaan, adeegga badbaadada carruurtu wuxuu ka caawinayaa sidii carruurta iyo dhallinyaradu u heli lahaayeen daryeel, amni iyo fursado horumarineed.
  • Xarunta dhibbanayaasha: waa meelo ammaan ah oo aad ku noolaan karto haddii aad 18 sanno ka weyntahey oo laguu gaysatey dhib ama u bahaantahey ilaalin, ka eeg goobaha kuugu dhow halkan: Krisesenter nær deg – Krisesentersekretariatet

Shabakado luqado kala duwan

Way kala duwan yihiin tirada luqadaha boggagan loo turjumay.

  1. Haddii laguu geysto dhib ama xakameyn waxaad talooyin badan ka helaysaa haddii aad akhrido boggan.  Languages - Dinutvei.no
  2. Waa tan shabakad aad isticmaali karto haddii aad Norway soo degtay oo aad ka fekerto waxyaabo xun ama ay ku hayso hurdo xumo. SteadyEnglish | sosialarbeidere
  3. Macluumaad ku saabsan caawimada caafimaad ee gudniinka dumarka waa kan. Helsekonsekvenser og helsehjelp etter kjønnslemlestelse - Helsedirektoratet
  4. Waa kan hage ku qoran luqado kala duwan oo loogu talogaley waalidiinta ku korinaya carrruurta dhaqamo kala duwan. Identitet og tilhørighet - Voksne for Barn (vfb.no)
  5. Waa tan shabakada netka ee urur ka caawiya ajinebiga iyo qaxootiga wixii su’aalo ah ee ku saabsan deggenaanshaha ilaa khilaafaadka qoyska.. DO YOU NEED HELP ? | SEIF (wpcomstaging.com)
  6. Ma qabtaa su’aal ku saabsan xaaladaada jinsi waa tan shabakada netka ee urur ka shaqeeya mawduuca. Skeiv Verden - Queer World — Skeiv Verden

Lambaro telifoon oo muhiim ah

  • Xaalad halis ah oo ku saabsan nolosha iyo caafimaadka ah: 113
  • Booliiska: 112 gargaarka degdega ah iyo 02800 dhacdooyinka aan halista aad u daran ahayn.
  • Dhakhtarka gurmadka qaranka: 116 117 Kani waa lambar qaran oo kuu gudbinaya dhakhtarka gurmadka ee kuugu dhow.
  • Telifoonka degdega ah ee carruurta iyo dhalinyarada: 116 123
  • Caafimaadka dhimirka: 116 111
  • Khadka dhibta (vold) iyo faroxumeyta: 116 006

Kani waa khad caawimo oo loogu talogalay qofka kala kulma dhib ama faroxumeyn dadka xidhiidhka dhow la leh.

  • SOS ka kiniisadda: 22 40 00 40
  • Isdhaawicid/halis isdilid: 815 33 300 waa talifoon degdeg ah oo 24 saacadood furan.
  • Telifoonka Laanqayrta cas ee guurka khasabka ah iyo gudniinka dumarka: 815 55
  • Ma heysaa su'aal ama rabitaan ku saabsan shabakadan netka?

Dadka halkan wax ku qoraa, waxa kale oo ay la shaqeeyaan dhallinyaro. Waxa aan jeclaan laheyn in aad nala wadaagto waxyaallaha aad ka akhrido Nora iyo waxa aad rabto inaad wax badan ka akhrido. Haddii aad rabto noogu soo dir iimayl: nora@imdi.no